Ciidamada dowlada soomaaliya ayaa maanta gaaray duleedka degmada warsheekh
Taliyaha Guutada 1-aad ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Max'uud Saney oo wareysi siiyay weriye ka mid ah wabsit-kan ayaa sheegay in saaka ay ciidamadoodu ay gaareen degmada warsheekh ee shabeelada dhexe,kadib markii ay ka dhaqaaqeen deegaanka Ceelmacaan ee gobolkaasi.
Gen.Saney waxa uu intaas ku daray in aysan gudaha u gelin degmada warsheekh balse ay ku hareereysanyihiin sababo la xiriira dhanka Amaanka iyo in aysan ciidamadu waxyeeleyn shacabka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan la kulmin wax iska caabin, islamarkaana ay kusii wajahanyihiin deegaano kale oo ka mid ah Gobolka shabeelada dhexe,islamarkaana ay sii socon doonaan inta ay la wereegayaan guud ahaan gobolka shabeelada dhexe.
Gudoomiyaha shabeelada dhexe ee maamulka dowlada soomaaliya ayaa la sheegay in uu la socdo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee maanta halkaasi gaaray kadib markii uu dibad joog ka ahaa degmadaasi tan iyo markii la magacaabay.
Taliyaha Guutada 1-aad ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Max'uud Saney ayaa sheegay in Ciidamada dowlada Soomaaliya aysan wax lacag ah ka qaadeyn gaadiidka ay la socdaan dadka safarka ah ee isaga kala goosha muqdisho iyo gobolada kale ee dalka.
Deegaanka gal-galato oo u dhexeeya muqdisho iyo ceelmacaan ayaa waxaa bar-kontorool ku leh Maamulka G/banaadir iyo wasaarada Maaliyada halkaasi oo Lacago looga qaado Gaadiidka safarka ah ee isticmaala wadadaasi.
ceelqaboobe.com
calidhuux86@yahoo.com
calidhuux88@hotmail.com