Warbixinta wariyaheenu kasoo diyaariyay ciyaarihaasi oo aad u dheereyd ayaan idiin balan qaadeynaa inaan qormooyin kale idiinku soo gudbin doono qeybaheeda kale.
Ururkan oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano SEUKI waa urur qaban qaabiya ciyaaraha xagaaga ee ka dhaca dalka Sweden gaar ahaan magaalada Stockholm.

Ciyaarahan oo aan innaba caadi aheyn maadaama sida loo agaasimo ay tahay mid ay ka muuqdaan dadaal dheeri ah ayaa waxaa soo diyaariya sanad walba dhalinyaro u diyaarsan sports jaceyl oo qaarkoodna ahaan jireen kuwo ka soo ciyaari jirey waddankeena hooyo.

Wariyaheena ceelqaboobe.com oo inooga qeyb galey ciyaarahaasi afartii maalmood ee ugu dambeeyey waxuu inoo qirey in tartankaasi ahaa halbowlaha ugu wayn tartamada lagu qabto waddamada reer galbeedka, inkastoo weliba wariyaheenu uu sanadkii la soo dhaafey uu ka qeyb galey tartamada lagu qabto dalka Canada.

Wariyaheena ayaa tilmaamay in labada waddan ee Canada & Swedan ciyaarahoodu aad ayey u kale duwanaayeen, marka loo fiiriyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool labada waddan Canada iyo Swedan, qaabka ay daawadayaashu u xiiseeyaan daawadashada ciyaarta, tirada dadweynaha ka soo qeyb galaya garoonka iyo kooxaha ka soo qeyb galaya awoodda ay leeyihiin intaba way ku kale duwanayeen inkastoo tirada dadweynaha daawada ciyaaraha Sweden ay u muuqatay kuwa si aad ah uga tiro badan kuwii Canada, oo dadka qaar ku tilmaameen inay aheyd talaabo dadka xasuusineysay garoomadii Soomaaliya ee xiligii berisamaadka oo kumanaan ay soo buuxinjireen, haddana semifinalka Ciyaaraha Canada ayaad moodaa iney dadweynuhu badan yihiin, laakiin kuwa Sweden waa mid maalin walba ah oo si joogto ah u yimaada.

Intaas ka dib shabakadda ceelqaboobe.com waxay ogaatey in ciyaaro kale ka socdaan meel aan ka fogeyn garoonkan TENESTA ee dalka Swedan, kuwaas oo iyaguna u dabaal degaya sanad guuradoodii Tobnaad ee kasoo wareegtay markii la bilaabay, si aan wax uun uga ogaanno arinkaas inkastoo waqtiga joogitaankeennu gaabnaay, ayaan waxaan fursado yar yar u helnay inaan wareysano madaxda ururka SEUKI qaarkood iyo kuwa kooxaha, inkastoo aan jeclaan laheyn inaan dhamaantood halkan idinku soo gudbino, hadana laguma soo koobi karo hal warbixin, balse maqaalladeena dambe aan ku soo xusi doono.

madaxdii shabakadeena ceelqaboobe wareysiga ay ka qaatey waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha ururka SEUKI mudane Afrax, gudoomiyaha Farsamada mudane Muqtaar Shuute, madaxa dhaqaalaha mudane Xiirey Rooble, gudoomiye ku xigeenka ururka mudane Dhuxulow, xoghayaha ururka Weli Maalin, haddii aan u jaleecno dhinaca kooxaha waxaa ka mid ahaa managerka kooxda London Stars mudane Dahir Gacamey, madaxda kooxda Denmark (Olympic ) mudane C/kariin, mudane C/wahaab,mudane Mahad gudoomiyaha kooxda STREATHAM (london ) mudane Xarbi cali.

Inkastoo aan la soo koobi karin wareysigaasi bal aan ku horeeyo gudoomiyaha uruka Seuki
ceelqaboobe.com : mudane Afrax wax ma nooga sheegi kartaa qaabkii aad ku bilowdeen ciyaarahan.

gud. ABDI AFRAX: marka hore waxaan u mahad celinayaa shabakadda ceelqaboobe oo ii ogolaatey iney i wareysato, intaa ka dib wuxuu ururkani ku bilowday dhalinyaro iska kaashatey maskax sporti isla markaana u daalanaa iney wax u qabtaan dadweynaha reer Sweden.

ceelqaboobe.com : waxaa nagu maqaal ah inaad u dabaal degeysaan sanad guuradii Tobonaad ee ciyaarahiina xagaaga sida ku cad qalabka war baahinta gaar ahaan universal TV & Warsan TV, maalmo ka dibna waxaan ogaaney in uu jiro urur kale ee ciyaaraha qaban qaabiya kana dhisan Stockhlom, sidaas awgeed wax ma nooga sheegi kartaa sida ay wax u jiraan mudane AFRAX.

gud. ABDI AFRAX: waxaa hubaal ah inaan 10 jirsaney tan iyo goortii ciyaaraha xagaaga ka bilowdeen magaaladan Stockholm, intaas ka dib sida la wada ogsoon yahay ciyaarahan waxaa lagu qaban jirey hal meel oo ay u dhamaayeen dadweynaha ku nool magaaladan Stockholm, ha noqoto kuwo ka tirsan ururka Seuki ama kuwa kaleba. Intaas dabadeed waxaa bilaabatey cilladdo farsamo oo is daba joog ah, meeshaasna waxaa ka dhashey is afgaranwaa lagu qeybsamo oo aan shaqo ku laheyn in lagu maamulo sportiga waxaana bilaabatey in waxii isku fikir ah is raacaan waxaana fikirkaas ka abuurmay ururka Seuki oo aad maanta arkeysid wax qabadkiisa iyo qaabka dadweynaha ku nool magaaladan stockholm iyo waddamada deriska nala ahba ku qanac san yihiin.
ceelqaboobe.com : mudane gudoomiye maxaa ka mid ahaa cilladaha farsamo ee kor ku xusan??
gud. ABDI AFRAX: waxaa ka mid ahaa qaabka kooxaha loola dhaqmi jirey, waxaa ka mid ahaa, qaabka dadka maamulka ka mid ah loola dhaqmi jirey lwm. To be continue... way sii socon doontaa...
ciyaarahan xagaaga ee tobban jirsadey ayaa waxaa ka soo qeyb galey 13 kooxood oo dhamaantoodba ka kale yimid daafaha yurub, sida dadweynaha hadal hayeenna waxay kooxahani ahaayeen kuwa yurub ugu adag uguna magac dheer, balse shabakadda ceelqaboobe.com waxay ku soo gaartey 8dii kooxood ee u soo gudbay quater finalka kuwaas oo kale ahaa LEICESTER UTD UK, RAGSVED, Sweden, LONDON STARS,UK, ILAMOS UK, SOKAO Norway, QARAN Sweden, TILBURG Holland, & Olympic Denmark.
haddii aan u weecanno dhinacyadeena wareysiga waxaa noo suurta gashey inaan wareysano gudoomiye ku xigeenka ururka Seuki mudane DHUXULOW.
ceelqaboobe.com : mudane Dhuxulow, ka dib markii aan ogaaney in khilaafad xumi ka jiro ururkiina iyo ururka kaleba miyey kuula muuqataa in la xalin karo khilaafaadkiina ?
Gud.ku xigeenka: xaalad kasta ee timaado wanaag iyo xumaanba waa la xalin karaa haddii lala yimaado, mana jiro qof loogu talo galey inuu ku noolaado xumaan joogto, sida uusan u jiri karin qof ku waaro wanaag joogto, waxaan taas ka wadaa way dhacdaa mararka qaarkood xumaanta, laakiin in lagu waaro waa laga fiican yahay, sidaas owgeed iima muuqato wax isu soo dhowaansho, sababtoo ah Somalida waxaa isaga qaldan waxii dabiicii ah iyo kuwa aan dabiici aheyn.
ceelqaboobe.com : gud. ku xigeen, maxaad ka wadaa waxii dabiici ama aan dabiici aheyn, mudane DHUXULOW bal inoo jilci ?
Mudane DHUXULOW : dadka websaadka qaarkood afsomaliga waa ku adag yahay, sxb inkastoo kelmadda dabiici aan daboolay haddana waad i baar baareysaa..dabiici waxaa la dhahaa waxii ilaahey xaggiisa ka yimaado sida Roobka,Barafka, dabeysha iwm ee si caadi ah u yimaada ama u dhaca..waxii aan dabiici aheynna waxaa la dhahaa waxii dadku iyaga gacmahoodu ku sababsadaan, tusaale ahaan haddii aad gabar jeclaato oo aad u waalato, una dhimatid jaceylkeeda waa waxaan dabiici hayn oo aad adigu sababsatey, marka sxb Stockholm waxaa yaallo wax aan dabiici aheyn oo dadku iyagu sababsadeen arinkaas ayaana meesha yaallo, marka waana middii ninka jaceylka u dhintay oo kale.
Wareysiyada & warbixinta way sii socon doonaan haddii Allah naga ogolaado.

ceelqaboobe.com
webmaster@ceelqaboobe.com