Shirarkaas oo markii hore ku Bilowday qaab Jufo-Jufo ayaa haatan waxa ay u Muuqdaan kuwo usii gudbaya Beelo kale sida Beelaha Waceysle ee la isku yiraahdo Qalaw-joog...
Kulankaas oo ay soo qabanqaabiyeen waxgarad kamid ah Jaaliyadaha Beesha Waceysle ee ku nool Wadanka Ingiriiska ayaa waxaa ka qeyb galay Waxgarad isugu jiray Culimaa’udiin,Siyaasiyiin,Hogaamiye Dhaqameedyo,Aqoonyahano intub kasoo jeeda Deegaanada Mudugiyo Galguduud,kuwaas oo si Qotodheer uga hadlay wax u qabashada Deegaanada ay kasoo jeedaan.
Ugu horeyn waxaa Madashii Shirkaasi ka hadlayay Xubno kamid ah Wakiiladii Jaaliyada Beeshaasi ee Dalka Ingiriiska.oo lagu Magacaabo Ciise Cibaar Cismaan.

Kadib Hadalkii Mas'uulkaasi waxaa hadalkii qaatay Culimaa’udiinkii kii qeyb galay Shirkaas looga hadlayay Horumarinta Deegaano kamid ah Degmada Ceeldheer ayaa waxaa hogaaminayay Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo hadal uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in uu weligiiba ku dadaali jiray wax u qabashada Dadka iyo Deegaanada haatan la doonayo in Horumar loo helo,loona baahan yahay sida uu sheegay in si guud iyo sigaar ahaaneedba loo hormariyo Deegaanadaas.

Macalinku waxa uu sheegay in dhamaan Jaaliyadaha Dibada ee ku Abtirsada Deegaanada Degmooyinka Galcad,Ceeldheer iyo Galguduud looga baahanyahay in ay Dadkooda iyo Deegaanadooda la qeybsadaan Dhibaatada jirta sidii looga Gudbi lahaa,islamarkaana Maalgelin loogu Sameynlahaa Degmooyinka iyo Tuulooyinka ay ku AbtirsadaanDeegaan ahaan.
Shirkaas oo ahaa Mid ay Abaabuleen Mas’uuliyiin ka socotay Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK ayaa waxaa ay shirarkaas kusoo bandhigeen Qaabka ay doonayaan in ay dadkooda kala tashadaan sida ugu haboon ee dib loogu soo nooleynkaro Deegaanada Asal ahaan ay kasoo jeeedaan iyagoo u maraya eheladooda ku nool Gudaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwooda kunool Muqdisho iyo Dhulka ladoonayo in lagu sameeyo Dib u habeynta wxaana ka mid ahaa Xaaji Cali Adoon.

Wakiiladii ka socday Dalka Ingiriiska ee Kulamadaas Muqdisho ka bilaabay waxaa kamid ahaa Xaaji Cali Maxamuud Guuleed (Cali-Adoon), Xaaji Ciise Cibaar, iyo Daahir Maxamuud Maxamed (Geesaweyne), iyo weliba C/laahi Cumar Xasan oo ka socday dalka Norway, waxa ayna Balanqaadeen in Dhismooyin iyo wax qabad Muuqda ay ka sameyn doonaan Magaalo haatan loo diyaarinayo in laga Dhigo Degmo oo hore u aheyd Tuulo ka tirsaneyd Degmada Ceeldheer, taas oo lagu Magacaabo DUR-DUR oo dhanka W/Bari ugu began Degmada Ceeldheer.

Kulamadaan ka bilowday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb gelaya Odayaal dhinaca Dhaqanka ah oo ay kamid yihiin Nabadoonada Ciise Macalin Maxamuud Aadan, Xaaji Cumar Cadde, Maxamed Sheekh-Doon Faarax, Abuukar Iimaan Cali, Qaasin Maxamed Faarax (Dhoobey), Cali Raage Shariig, Xuseen Cadow Maxamed, Casir Calasow Raage, Axmed C/lle Boolow, Nuur Bilaajo, iyo kuwo kale oo ka mid ah Odayaasha Beesha C/raxmaan Saleemaan oo kamid ah Beelweynta Waceysle.

Shirarkaas oo markii hore ku Bilowday Jufo-Jufo ayaa haatan waxa ay u Muuqdaan kuwo usii gudbaya Beelo kale sida Beelaha Waceysle ee la isku yiraahdo Qalaw-joog, kadibna Waceysle, waxa ayna haatan shirarkaasi si rasmi ah Uga socdaan Guriga Siyaasiga Dr.Xuseen Xaaji Bood ee Magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiintii ka hadashay sida loogu baahnyahay wax u qabshada iyo Dib u dhiska Dadka iyo Deegaanadii laga soo jeeday Asal ahaan waxaa ka mid ahaa Dr Xuseen Xaaji Maxamed Bood oo Codsaday in la balaariyo Qorshaha lagu Hormarinayo Deegaanadaas, loona bandhigo dhamaan Waxgaradka Beelaha wada dega deegaanadaas.

Dadaalada lagu doonayo Horumarinta Deegaanada hoostaga Degmada Ceeldheer ayaa waxaa Hormuud ka ah Waxgarad ka socda Dalka Ingiriiska oo kasoo jeeda Deegaanada ladoonayo in Dib u dhis lagu sameeyo, kuwaas oo ujeedada ay Arimahaas u sameynayaan ku sheegay laba arimood oo kale ah: in ay dadkooda iyo Deegaanadooda waxtaraan iyo in Allaah Ajir kasiiyo Adeegyada ay u baahanyiin dadkooda oo ay doonayaan in ay halkaas ka hirgeliyaan, kuwaas oo isugu Jira Xarumo Caafimaad, Goobo waxbarasho, Goobo lagu Cibaadeysto sida Masaajidyo Dugsiyo Qu’aan iyo waxyaabo kale oo ka mid ah waxyaabaha ay u baahan yihiin Dadka deegaanadaas.

Gebagebadii kulamadaas waxaa kasoo baxay in loo yeero waxgaradka Beelaha Wada dega Deegaanada u dhexeeya Degmooyinka Ceeldheer iyo Xaradheere si ay isaga kaashadaan Dib u dhiska deegaanadaas iyo isku xirnaantooda Dadnimo sida hadalka loo dhigay, Shirarka Beelahaas ayaa haatanba ka bilowday Magaalada Muqdisho.
Iyadoo aan halkan lagu soo koobi karin dhamaan ka qeyb galayaasha kulamadan ayaa dadkii kale ee ka qeyb galay oo isugu jiray Culumaa'udiin, Ganacsato, dhalinyaro & guud ahaan qeybaha bulshada ayaa qaarkood waxaa ka mid ahaa Macalin Cali Bood, Abuukar Maxamuud Xersi (Alxamdulillaah) Salaad Shigaaye, Macalin Yuusuf dheere, C/lle Rooble Jusle, Casir Calasow & Shiine Macalin Xuseen.
Wixii warbixin dheeri ah ee kusoo kordha kulamada kale ee la filayo inay dhacaan waxaad kala socon doontaan warbaahiyaha www.ceelqaboobe.com
Fikradihiina ku aadan kulamadan waxaad kusoo hagaajin kartiin E-mail-ka webmaster@ceelqaboobe.com ama calidhuux86@hotmail.com
Xafiiska ceelqaboobe.com
Muqdisho-Soomaaliya
calidhuux86@hotmail.com
Webmaster@ceelqaboobe.com