Wejiga Sedaxaad ee shirarkaan oo ay ku Casuumanyinhiin Waxgarad ka kala socda dhamaan Jilibyada Beesha waceysle ay ka koobantahay...
Shirarkaan oo ay ka qeyb galeen Waxgarad kasoo jeeda Deegaano ka kala tirsan Degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galguduud ayaa waxa ay kulamo isdabajoog ah ay uga socdaan Hoyga Siyaasiga Rugcadaaga ah Dr.Xuseen Xaaji Bood ee Magaalada Muqdisho.

Wejiga labaad Shirarkaan looga hadlayo wax ka qabashada Degmada Dur-dur waxaa isugu yimid Odayaal iyo waxgarad ka kala socday Beelaha Qalowjoog, kuwaas oo siweyn u lafa guray Wax ka qabashada Baahida dadku ay u qabaan Dhismaha iyo horumarinta Degmada Dur-dur oo dhawaan loo gartay in ay tahay meel ku haboon Degmo, islamarkaana Waxgaradkii kulankaas ka qeyb galay ay isku raaceen Degmada Dur-dur in ay tahay meel aad ugu wanaagsan Degmo.

Waxgaradkii kulamadaas ka hadlay waxaa kamid ahaa Xaaji Cali Adoon oo sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka ay doonayaan in ay u dhisaan Degmadaas, waxyaabaha ay u baahantahay, sida Cisbitaalo, Iskoolo, Masaajidyo, Dugsiyo Qur'aan iyo waxyaabo kale, kuwaas oo qaarkood haatan ku dhisan yihiin Magaalada Dur-dur.

Waxaa sidoo kale kulamadaas ka hadlay Odayaal ka mid ah Beelihii ka qeyb galay shirarkaas oo uu kamid ahaa Xaaji Ciise Macalin Aadan oo ka warbixiyay Muhiimada Degmadaas ay u leedahay Beelaha ku nool deegaanada ay Degaan Qalowjoog.

Odayaal ka socday Beesha Maxamed Cadde ayaa ka mid ahaa odayaashii ka qeyb galay wejiga labaad ee kulamadaas, waxaana ka mid ahaa dadkii kulankaas uga hadlay Cabdi Aduunyo, Cowsey iyo kuwo kale, waxa ayna Balanqaadeen in ay ka mid noqonayaan dadka ugu horeeya ee ka qeyb qaadanaya deegaameynta iyo maalgelinta Degmadaas Cusub.
Shirarkaan oo ay ka qeyb gelayaan Odayaaldhaqameedyo ka kala socda Beelaha la isku yiraahdo Qalawjoog, Wakiilo ka socda Jaaliyada Beesha waceysle oo ka mid ah Beelweynta Abgaal oo isna ka mid ah beesha Mudulood, Ganacsato,Culimaa'udiin iyo Xubno kale waxaa looga hadlayaa shirarkaas sidii loo hormarin lahaa Deegaanada Asal ahaan ay ka soo jeedeen, gaar ahaan Degmada Dur-dur.

Kulamadaan oo ay soo Abaabuleen Waxgarad ka tirsan Jaaliayada Beesha Waceysle, gaar ahaan Beesha C/Raxmaan Saleemaan ayaa waxaa hogaaminaya Xaaji Cali Adoon, waxaana Xubno ka ah Ciise Cibaar Cismaan, Daahir Maxamuud Maxamed “Geesaweyne” iyo C/laahi Cumar Xasan oo dhamaantood ka yimid dhawaan Dalka Dibaddiisa gaar ahaan wadamada UK & Norway, waxa ayna sheegeen in ay doonayaan horumarinta Degmada cusub ee Dur-dur ee dhawaan laga sameeyay deegaan u dhexeeya tuulooyinka Waaxweyn iyo Burdiir.

Gudi ka kooban 12 kana socda Beelaha Qalaw-joog ayaa lagu Magacaabay Shirkii dhawaan lagu qabtay Guriga Dr.Xuseen Xaaji bood, kuwaas oo loo xilsaaray qaabka loogu anbabaxayo deegaankaas sidii ay u farsameyn lahaayeen,una diyaarin lahaa Dadkii halkaas aadi lahaa.

Wejiga Sedaxaad ee shirarkaan oo ay ku Casuumanyinhiin Waxgarad ka kala socda dhamaan Jilibyada Beesha waceysle ka koobantahay, kadib ayaa lagu balamay in Gudi ka socda Beelaha Qalaw-joog iyo wakiilada jaaliyada dibadda u anbabaxaan deegaanka Degmada Dur-dur oo haatan uu ka socdo dhismaha Xarun saldhig ama Station oo ay halkaas ka hirgelinayaan wakiilada jaaliyada dibadda ee Beesha C/raxmaan Saleemaan.

Maalmaha fooda nagu soo haya ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka anbabaxaan wefdi isugu jira odayaal, wakiilada Jaaliyadda dibada, aqoonyahano, Culimaa'udiin iyo wax garad kale, kuwaas oo degmada Dur-dur u tegaya qaabeynta iyo hubinta wax alaaliyo wixii ka dhiman adeegyada bulshada ee looga baahanyahay in ay yeelato Degmadaas Dur-dur.
SAWIRADA OO DHAN HOOS KA FIIRSO









Wixii warbixin dheeri ah ee kusoo kordha kulamada kale ee la filayo inay dhacaan waxaad kala socon doontaan warbaahiyaha www.ceelqaboobe.com
Fikradihiina ku aadan kulamadan waxaad kusoo hagaajin kartiin E-mail-ka webmaster@ceelqaboobe.com ama calidhuux86@hotmail.com